Ahlusunna oo ku dhawaaqayso gudi Doorasho ka dib Khilaafkii taagnaa oo xoogaystay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa lagu soo waramayaa in Magaalada Dhuusa-mareeb uu ka socdo kulan xasaasi ah oo u dhexeeya Xildhibaanda Ahlusunna ugu jira Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

 

kulankaa ayaa waxa uu yahay kulan looga hadlayo qaabka ay Ahlusunna u wajahayso dhismaha Maamulka Galmudug ka dibi Khilaaf soo kala dhexgalay Godoonka Golaha Wakiilada Maamulka Galmudug iyo xubnaha Ahlusunna ku matala Barlamaanka.

Warar hoose ay helayso Warbaahinta MOL ayaa waxa ay sheegayaan in ay suurta galtahay in ay Ahlusunna ku dhawaaqdo gudi Doorasho kaa oo ka madaxbanaan kan ay Dowladdu wado oo muranka badan dhaliyay.