Odoyaasha dhaqanka oo DFS soo abaabushay oo ka horyimid qorshaha Al Sunna

Reading Time: < 1 minute

Odayaasha saxiixayaasha Maamulka Galmudug oo laga soo abaabulay xafiiska Raiisal Wasaare Kheyre ayaa xalay waxaa ay shir ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay soo xulista Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug.Odayaasha saxiixayaasha ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in Xildhibaanada 89 mudane tiradooda intaasi laga badiyo, iyagoona wacad Ku maray in cidii arintaasi Ku dhaqaaqda tilaabo cad ah ay ka qaadi doonaan.

Odoyaashaan oo uu soo abaabulay Ugaaska Beesha Murusade  ka soo shaqeeyay in odayaasha saxiixayaasha ka hor yimaadaan qorshaha Al Sunna in ay ka hor ay dhisaan  xubnaha Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay wasaarada arimaha gudaha soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusuna, taasi oo ka dhalatay xubnaha Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Culeya weyn ayaa ka taagan soo xulista Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!