Ahlusunna iyo Dowladda Federaalka  Maxay ugu Xeran yihiin Dalka Iran?

Reading Time: 2 minutes

Sheeekh Maxamuud Macalin Xasan iyo wakiillo ka socda dowladda dowladda Federaalka ayaa dhowaan ka soo noqday dalka Iran. Ahlun sunna iyo dowladaa Fderaalka ayaa beryhanba waxay hoosta ka wadeen xiriirro ay la sameynayeen dowladda Iran oo wada howlo abuubul iyo isballaarin ah sida maalgelinta iyo hubeynta kooxaha iyada la jira ee dagallama, waxaana kooxahaas kamid ah koox xuuthiyiinta la yiraahdo ee Yamen ka dagaallanta iyo Ahlu Sunnaha gobollada dhexe oo markoodii horaba ay sameysay dowladda Itoobiya si ay ugu cusleyso dowladaha Somaliya ka jira.

Markii dowladda Iran ay dowladdii hore xirirka u jartay waxay Iran Sameysay inay  Somaliya ka abuurto kooxo si dedban ula shaqeeya iyadoo markii ay dowladda eriday ay Meesha ka baxday daaqadda ka soo gashay xiriir aan la shaacininna la sameysatay dowladda hadda jirtaa.

Dadka danaheeda uga wakiil ah Somaliya waxa ka mid ah waxaa kamid ah Xildhibaan ka tirsan labada gole ee kan Wasiirada iyo Golaha shacbiga, waxaana hawshaas si qarsoon ugu fuliya xildhibaankaas nin ay qaraabo qabiil yihiin oo la yiraahdo Maxamed Xuseen  Awliyo oo ka mid ah Qaaqlayaasha dowladdaan ay kharashka badan ku bixiso si uu caayo mucaaridka iyo cidii dowladda dhaliil toosineed u soo jeedisa.

Xildhibaan/wasiir Cabdulqadir Baqdaadi  waa wasiiru dowlaha Madaxtooyada Somaliya waxaa uu is xoogan ugu xeraa dalka Iran dowladda Somaliya , gaar ahaan Madaxweyne Farmajo, waxaana dhawaan ka soo noqday  dalka Iran Safar uu tagay Macalin Maxamuud Xasan hogaamiyaha ruuxiga ah ee Ahlu sunna, sidoo kale waxaa dhowaan isna socdaal ku soo maray ninka Baqadaadi u wada hawshaan Maxamed Xuseen Awliyo.

Dalka Iran waxaa uu hadda gayiga carbeed iyo qaaradda Afrikaba ka wadaan is ballaarin mug weyn waxaana arrimahaas laga garan karaa dalalka Yamen iyo Koofurta iyo Galbeedka Afrika ku yaallo oo ay ka socoto shiiceyn xoog leh.