Ahlu Sunna oo Qorsheynaya inay  Guud ahaan la Wareegaan Gacan ku Haynta Galmudug.

Reading Time: 1 minute

Wadaadada Ahlu Sunna Waljamaaca  oo ay hogaamiyaan Sheekh Shakir iyo Sheekh Maxamuud Macalin Xasan ayaa goordhow la wareegtay gacan ku haynta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan la hubo.

Sida aan xogta ku helnay, la-wareegista ayaa ku timid gadood ay sameeyeen shacabka ku nool magaalada, iyo taliye ku xigeenka booliska degmada Mataban Cabdullahi Aadan, oo isaga iyo ciidan uu wato ay ku biireen dhanka Ahlu-Sunna, taas oo keentay magaalada ay gacanta u gasho.

Inkasta oo Matabaan ay ka tirsan tahay Hiiraan iyo maamulka HirShabeelle, haddana shacabka ku nool magaalada badankood ayey is xigaan  hoggaanka sare ee kooxda Ahlu-Sunna, oo ay si weyn u taageeraan.

Isla goor sii horeysay oo maanta ah ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa la wareegay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah. Ciidamada Ahlu-Sunna ee la wareegay magaalada Guriceel ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka deegaanka Godwiil oo ay saakay soo gaareen.

Arrimahaan waxay yimaadeen kadib markii MW Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor dayacay masuuliyaddii saarneyd kuna mashquulay inuu Faramajo hoos fadhiyo.

Waxaa isdhiibay ciidamadii booliska ahaa ee ku sugnaa magaalada Gurceel ee ka tirsanaa maamulka Galmudug, waxayna sarkaakiishii iyo ciidamadii maamulka Galmudug u joogay Gurceel u wareegeen dhanka Ahlu-Sunna.

Sida fudud oo ay Ahlu-Sunna ula wareegeyso deeegaanada Galmudug, ayada oo aanu ka dhicin wax dagaal ah, oo weliba ciidamada qaarkood ay ku biirayaan dhankooda, waxay astaan u tahay sida shacabka Galmudug u naceen hoggaan xumada Axmed Qoor Qoor.

Waxaa la soo gaaray xelligii ay iska dulqaadi lahaayeen Qoorqoor oo uu Faramjo u sii raaci lahaa. Qoorqoor ma dhibaateyn Galmudug oo kaliya ee qaranka oo dhan ayuu codkiisa iyo hawshiisa ku dhibaateeyey oo haddii uu hawshiisa Galmudug ku ekaan lahaa kana soo bixi lahaa maanta dalka waxaa uu haysan lahaa dowlad dhameystiran oo aysan wadaadadu handadi kari lahayn.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!