Ahlu-Sunna oo Dagaal Iclaamisay iyo Cabsi weyn oo ka jirta Dhuusamreeb

Reading Time: < 1 minute

Sheekh Shaakir oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca, ayaa isagoo la hadlayey boqolaal ka tirsan ciidamadooda iclaamiyey dagaal hor leh oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab balsa lama oga dhinaca uu ula dhaqaaqi doono ciidankaas marka uu diyaariyo.

Culeyska Qoorqoor haysta ayaa ah inuu sugu inta uu Sh Shakir ka dhaqaajinayo ciidamadiisa si uu u hubsado inysan isaga ku soo wajahneyn iyo inuu hadda dagaal ku qaado.

Sheekh Shaakir ayaa kula dar-daarmay dhammaan ciidamada Ahlu Sunna inay markale u diyaar garoobaan howl-gallo cusub oo ka bilaabanayo gobollada dhexe dalka.

Isaga oo ka hadlayey dagaalka Al-Shabaab ayuu yiri “Kuwaasi inaad dadka ka dhicisaan oo aad la dagaalantaan oo aad ka xoreydaan Soomaaliya diyaar ma u tihiin? Waxaan leenahay ciidamadan sharafta badan qiimaha badan waxay u taagan yihiin difaaca deegaanka,”.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in muhiimadooda koowaad ay tahay sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanadaasi.

“Magaciinu waa qaali waa magacii aad ku metaleyseen Ahlu Sunna Waljamaaca waa magacii deegaanadan lagu xoreeyey. Ahlu Sunna waa dadkii sunnada Nebiga ku dhagay oo ahalka u ahaa,” ayuu markale ku yiri khudbaddiisa Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan Ahlu Sunna ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wado deegaanada Galmudug, gaar ahaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!