Waxa Maanta la shegay in Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan uu faray Ciidankii ku sugnaa Xarunta ay Saraakiisha imaaradka ku tababari jireen Ciidanka Soomaalida ee Muqdisho in la bililiqeysto ka dib markii ay saakay Saraakiishii Tababarka bixin jiray ee Muqdisho ka dhoofaan.
Wararka aynu heleyno aya shegaya in Agabkii yaalay Xaruntaasi lagu keydiyay Gaarash ku yaala Xaafada Xarar yaale ee Degmada Warta Nabada.
Ciidanka agabkaasi ku xareystay Garaashka ku yaala Xararyaale aya la shegaya in ay yihiin Ciidanka ka socda Raii’sul Wasaare Xasan Cali Kheyre kuwaasi oo an la ogeyn sababta ay Agabkaasi ula baxeyn.
Boobkeen aya imaanaya iyado uu Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya uu shegay maanta in ay daneenayan in la xaliyo isman dhaafka ka dhex curtay Imaaradka iyo Soomaaliya.