Agabkii ciidanka xoogga dalks Soomaaliyeed oo ganacsi laga dhigtay (Xog xasaasi ah)

Reading Time: 2 minutes

Usbuuc ka hor ayey aheyd markii uu Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya ee Dowladda Madaxweyne Farmajo Cabdirasaq Shoolle uu safar shaqo ku tegey magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, ujeedka safarka ayaa wuxuu ahaa inuu soo iibiyo agab ciidan qalab sida.

Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdirisaq shoole ayaa ah raga maalgashiga ku sameeyey Madaxweyne Farmajo oo Doorashadii Sanadkii 2012 aaminsanaa in lacag darteed looga adkaadey.

Dowladda Qatar ayaa bixineysa qarashka lagu soo iibanaayo agabka ciidanka, taasoo loo qoondeeyay $10 Milyan oo doollar. Xog aay heshay Muqdisho Online ayaa sheegeysa in lacagta uu Cabdirasaq Shoolle ku soo soo iibiyay agabkan aay tahay wax ka yar $3 Milyan oo doollar, balse aan la ogeyn halka aay jaan iyo cirib dhigtay $7 Milyan ee soo hartay.

Dadka qaar ayaa aaminsan in agabkan loo iibinaayo ciidamo maleeshiyo ah oo uu horjooge u yahay Fahad Yaasiin oo dhawaan lagu wado in laga dhaqan geliyo dalka Soomaaliya.

Halka hoose ka daawo

Agabka ciidanka ayaa isugu jira:

1. Labo dareeys tuute ah
2. Bosh ama qasnad side
3. Buraashad
4. Labo nooc oo kabo ah
5. Sigsaan ama sharabad
6. Labo nooc kofiyad ah
7. Labo suun
8. Gogal ama garonshid
9. Xariga kumandos
10. Toosh
11. Beynaad ama toorey
12. Xariga seeri laarmi
13. Funaanad xoos gashi
14. Jaakad Roobaad
15. Jaakad Dhaxameed

Waxaa kaloo jira qalab kale oo dheeraad ah oo ku jira soo iibinta agabka tusaale:-

1. 7 Beys war-isgaarsiin oo ka kaboon 4,500 oo radiyaha gacanta wokie tokie

2. 7 motors oo lagu sifeeyo biyaha water filing machines

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaad moodaa inuu raali la yahay Ganacsiga balaaran iyo macaashka ee Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada uu ka wado Dowladda Soomaaliya sidii xoosh kibrey ama Cabdi Xoosh oo Dowladdii kacaanka ee Maxamed Siyaad Dhexdeeda caanka ka ahaa.

Kooxda Maalgelisey Madaxweyne Farmajo ayaa waxaa ay aad ugu howlan yihiin sidii ay dib ugu soo ceshan lahaayeen lacagtii ka gashey doorashada iyo sidii ay dhaqaale xoog leh uga sameyn lahaayeen sedaxda sano ee u hartey Dowladda Madaxweyne Farmajo.

Warar qarsoodi ah oo laga helayo qaar ka mid ah dhaliyarada ka shaqeysa madaxtooyadda ayaa sheegey in Dhaqaalaha deeq ahaanta ay u heshey Dowladda uu gebi ahaanba gacanta ay ku hayaa Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yasin iyo Ku-xigeenkiisa Cabdirazaaq Shoole oo ah wiil iyo abtigiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa waxaa uu sheegaa inta badan inuu musuqmaasuqa la dagaalameyo balse waa iska afgaboodsi iyo dhalanteed lagu maaweelinaayo shacabka soomaaliyeed.