Sida ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxaa dib looga laabtay iscasilaadii uu maalmo ka hor keenay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda NISA Xuseen Cismaan Xuseen waxaana uu maalmaha soo socdo dib ugu laaban doonaa shaqadiisii.
Madaxweyne Farmaajo aya cadaadis kala kulmay beesha caalamka gaar ahaan wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska oo gebi ahaanba ka hor yimid in hay’adda NISA lagu wareejiyo Fahad Yaasiin oo hadda ah ku xigeenka agaasimaha. Wadamada reer galbeedka aya u arka in uu Fahad Yasin gacan saar la leeyahay dowladda Qatar iyo kooxda ay maalgeliso ee Shabaab.
Arrintan ayaa waxaa ay cirka isku sii shareertay maalin kaddib markii uu u gudbiyay Agaasimaha NISA Xuseen warqaddii uu isku casilay aya waxaa uu Fahad Yaasiin u magacaabay in Zakariya Ismaaciil uu hoggaanka u qabto hoggaanka sirdoonka, hoggaanka arrimaha dibadda oo ay hoostagaan garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, waxaa sidoo kale Zakariya la hoos keenay hoggaanka la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaan (CT) taasoo ay maalgeliyaan wadamada Ingiriiska & Mareykanka.
Madaxa Hoggaanka la dagaalanka argagixisada Liibaan Daahir aya gebi ahaanba diiday in uu hoos tago Zakariya Ismaaciil iyo in uu la wadaago sirta ay ka hayaan kooxda Shabaab. Waa meesha kaliya ee ka harsaneyd in ay gacanta ku dhigaan Zakariya iyo Fahad oo u daneeynaya kooxda Shabaab.