Agaasimha NISA ayaa xoghayntiisa u magaacaabay kusimaha Hogaanka NISA? Sharciga maxuu ka qabaa?

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo amnigii dalka faraha ka sii baxaya ayaa waxaa iyadana muuqata in Hay’adii Nabadsugida qaranka ee NISA ay gashay xaalad keeni karta in uu ku yimaado bur bur. Waxaa bilihii la soo dhaafay ha’yada ka dhex jiray loolan iyo is qab-qabsi taas oo keentay in amnigii dalka gaar ahaan magaalada Muqadishu uu qal-qal galo. Maanta waxaa loo magaabay kusimaha hogaanka Hay’adda Cabdiraxman Aadan Kulane oo ay ilmo adeer yihiin Madaxweyne Farmaajo, aqoona aan u lahayn howlaha amniga kana mid yahay kooxa baraha bulshada ku caytama.

Madaama taliyaha ama agaasimadaha Hay’ada NISA lagu magacaabo dikareeto Madaxweyne, Agaasimaha Guud ee NISA Xuseen Cusman Xuseen ma magacaabii karaa kusime?, sideese macquul ku tahay in uu xoghayntiisa u dalacsiiyo in uu noqdo kusimo?

Waxaa nasiib xumo ah in si toos ah iyo si dadbanba loo burburyay hay’adii NISA.

halkaan ka aqriso qoraalka agaasimaha