Warar qarsoodi ah oo lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Nairobi ayaa sheegaya in xildhibanadii fasaxa ku joogey Kenya iyo caruurtoodu ay degan tahay kenya ee ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa waxaa ay Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yasin iyo Ku-xigeenkiisa Cabdirazaaq Shoole ku bilaabeen laaluushka ay siinayaan xildhibaanada kala duwan ee aqalka sare iyo golaha shacabka ee Baarlamanka.
Waxaa jira labo mooshin oo aan qarsoodi aheyn oo laga wado Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari oo labaduba si xowli ah ku socda, haba ugu xoog badnaadee mooshinka Ra’iisul wasaaraha.
Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yasin iyo Ku-xigeenkiisa Cabdirazaaq Shoole ayaa ka maqan shaqada mudo bil iyo asbuuc ah oo ay ku maqan yihiin dalka dibadiisa iyagoo aysan ku maqaneyn wax shaqo Dowladeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaad moodaa inuu guriga isaga xiran yahay oo san waxba kala socon xaaladda guud ee dalka iyo dhaq dhaqaaqa Agaasimaha Madaxtooyada iyo Ku-xigeenkiisa.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo muqdisho.online ay ku leedahay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa noo xaqiijiyey in Madaxweyne Farmajo uu yahay shaqsi magac u yaal iska oo aan wax Go’aan ah laheyn, marka loo eego sida ay wax u socdaan.
Safarka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee uu joogo ayaa la filayaa inuu wax weyn ka bedeli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka gebi ahaanba, waxaase shaki ku jirin in saameyn weyn ay ku yeelan doonto Go’aankii Dowladda Soomaaliya eey ka gaartey khilaafka wadamadda khaliijka.
Gudoomiyaha Baarlamanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari ayaa il gaar ah ku haya sida ay wax u socdaan, maadaama uu yahay rug cadaa siyaasi ah.
Si kastaba ha ahaa tee waxaan wada dhowr naaba waa furitaanka labada aqal ee Baarlamanka oo ku beegan 6 bisha iyo 11 bisha marso