Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Nigeria oo safar aan la shaacin ku yimid Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka dalka Nigeria ee National Intelligence Agency (NIA) ayaa caawa ku sugan magaalada Muqdisho, isaga oo booqasho laba maalin qaadaneysa maanta kusoo gaaray caasimadda.

Axmed Abubakar Rufaaci ayaa kulan la qaatay dhigiisa Soomaaliya Fahad Yaasiin, sida lagu sheegay qoraal kooban oo barta twitter-ka ay soo dhigtay hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

“Axmed Abubakar Rufaaci iyo Fahad Yaasiin, ayaa kala saxiixday isfaham iyo wada shaqayn buuxda oo dhexmarta labada Hay’adood ee labada dal.” Sida lagu sheegay qoraalka NISA.

Nabad-sugidda Soomaaliya ma aysan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer. Hase yeeshee bilihii dhowaa waxaa soo badanayey madaxda sirdoonka caalamka ee soo gaaraya Muqdisho.