Afwerki oo Muqdisho kusoo fool leh & mudaaharaadyo la abaabulaayo

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa la filayaa in berri uu booqasho rasmi ah ku yimaado magaalada Muqidsho ee caasimadda Soomaaliya, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Muqdisho Online.

Afwerki ayaa casuumad ka helay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida aan xogta ku helnay.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweynaha Eritrea ayaa muddo laba maalmood ah joogi doona caasimadda Soomaaliya, waxaana uu wada-hadalo ku saabsan xiriirka labada dal la yeelan doonaa madaxweyne Farmaajo.

Xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa soo wanaagsanaanayey wixii ka dambeeyey 28-kii July, markaasi oo madaxweyne Farmaajo uu booqasho saddex maalmood qaadatay ku tagay magaalada Asmara.

Labada hogaamiye, oo uu wehliyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa wixii markaas ka dambeeyey saxiixday heshiisyo saddex geesood oo dhowr ah. Heshiisyadaas oo keenay in mooshin laga keeno MW. Farmaajo

Soomaaliya ayaa dhinaca kale kaalin ka gaysatay in golaha ammaanka QM uu xayiraadda hubka ka qaado Eritrea, horaantii bishii November.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!