Africom”Waxaan howlgal ku dilnay xubno ka tirsan Alshabaab”

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Kumaandooska Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya oo iskaashanaya ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaano kuyaal dhanka Koonfureed ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kooban kana soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika jooga ee Africom ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyada Alshabaab,kuwaasi oo bartilmaameedkoodi ahaa.

“Howlgal dhanka circa ah oo ciidamadeeno la kaashadeen ciidanka Soomaaliya ayaa lagu dilay 3 ka tirsan Alshabaab,gaar ahaan deegaan qayaas ahaantii 40 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga began magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya”. Ayaa lagu yiri warsaxafadeedka Africom.

Sidoo kale taliska ciidamada Mareykan ee Africom ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah argagixisada,ilaa ay ka tirtiraan alshabaabka jooga Soomaaliya iyo guudahaan gobolka,sidoo kale wuxuu talisku sheegay in hadafkooda uu qeyb ka yahay talaabooyin looga hortagayo qataraha koodan.

“Waxaan sii wadi doonaa howlgalada ka dhanka ah argagixisada,anagoo isticmaalayna awoodeena iyo fasaxa aan haysano,waxaan kaashanaynaa AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya,waxaan beegsan doonaan meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan iyo xerooyinkooda tababarka ay ku qaataan,gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka,ilaa aan awoodooda wiiqno”. Ayuu siiraaciyay taliska Africom.

Xigasho sonna