War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa lagu shaacisay magaca hoggaamiye sare oo Al-Shabaab looga dilay duqeyn 25-kii Agoosto ka dhacday Koonfurta Soomaaliya.
War-saxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM waxaa lagu sheegay in sarkaalkaas lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Yarow Cusmaan oo loo garan ogaa (Cabdulqaadir Kumandoos)
Mareykanka waxay sheegeen in Cabdulqaadir Kumandos uu xilal badan ka soo qabtay gudaha Al-Shabaab, isla markaana uu dhowaanahaanba ahaa taliye sare oo ka tirsanaa ciidamada Al-Shabaab, iyadoo duqeynta lagu dilayna ay si gaar ah uga dhacday magaalada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe, maalin Isniin ah 25-kii Agoosto.