AFRICOM oo shaacisay in ay dileen tiro ka mid kooxda Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka Mareykanka ee loo yaqaan AFRICOM oo fadhigooda yahay magaalada Jabuuti aya sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay dileen tiro argagixiso ah oo weerar ku soo qaaday meel u dhow magaalada Buula Barde oo 223 KM u jirta caasimada Muqdisho.

Weerarkan oo ah mid loo istimaalay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn aya lagu dilay qaar ka mid ah kooxda Shabab sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay AFRICOM.

Waxaa sidoo kale afartii maalmood ee la soo dhaafay tiro aad ubadan looga dilay kooxda nabad diidka ah ee Shabab tiro aad u badan kaddib markii ciidanka Dowladda ay kala wareegeen Masaajid Cali Gaduud oo ah xaruntooda ugu weyn marka laga reebo magaalada Jilib.