AFRICOM oo ka hadashay duqayn loo gaystay Al Shabaab

Ciidamada Maraykana oo ka hadlay howlagalo ay ka fuliyeen Soomaaliya oo lala beegsaday ururka Al Shabaab. Waxa ayna sheegeen in duqeymo si is-daba joog ah   ku qadeen Al-Shabaab.

Qoraal ay la wadaageen warbaahinta ayaa Taliska Milateriga Mareykanka ee Africa  ku sheegeen in iyagoo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya ay duqeyn dhanka cirka ah ku qaadeen xubin ka tirsan Al-Shabaab. Duqeynta ayaa la sheegay in lagu dilay hal xubin oo aan magaciisa la sheegin, iyadoo qoraalka lagu sheegay in qiimeyn la sameeyay aanay jirin dad rayid ah oo duqeynta lagu dilay ama waxyeelo kale soo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here