AFRICOM Maxay Ka Dhaheen Weerarkii Ka Dhacay Deeganka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Reading Time: < 1 minute

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa war kasoo saaray Weerarkii dhawaan ka dhacay degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Militariga Maraykanka ayaa sheegaya in ay si dhab ah u qaadanayaan wararka sheegaya in dad rayid ah lagu laayey weerar uu Maraykanku taageerayey oo ka dhacay Soomaaliya kaas oo ka dhan ahaa Al-Shabaab.

“Waxaan ka warhaynaa tuhun ku saabsan in khasaare dad rayid ah uu ka dhashay weerarkaas, waxaana warbixinnadan u qaadaneynaa si dhab ah. Waynu eegi doonaa akhbaaraadka ku saabsan dhacdadan, haddii aan helno in eedeymahan ay yihiin kuwa sax ah, waxaa taliska AFRICOM uu qaadi doonaa tallaabooyinka xiga ee ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in ay baaritaan ku samaynayaan xog kasta oo la xiriirta dhacdadaan, oo ay kujiraan dhinacyada ay arrintani khusayso.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee degmada Afgooye ayaa sheegay in la dilay shan qof oo beeraleey ah intii uu socday hawlgalka oo dhacay habeenimadii arbacada