Aflagaadada Danjire Muktar Kuma Filna “Hadalkeyga Waa la marin Habaabiyey”, Dowladda JFS Maxaa La Gudboon?

Reading Time: 2 minutes

Khaladka uu Danjirahan dalka iyo Dadka Somaliyeed ka galay maaha mid lagu meyri karo qoraal yar ee uu soo dhigo baraha bulshada. Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare ayaa  meelaha la wareejinaya inuu raalli-galin buuxda ka bixiyay hadal gef ku ahaa madax-bannaanida Soomaaliya oo dhowaan uu jeediyay kadib wareysi uu siiyay warbaahinta dalkiisa.

Danjiraha ma waalleyn marka uu wareysigaa af lagaadaada ah bixinayey ee waa uu ku talagalay, hadalkiisu waxaa uu gaaray meel walba oo waxaa uu ku jeediyey afka Amxaariga oo ay ku hadlaan 120 Milyan oo Itoobiyaan ah, hasa yeeshee qoraalka kooban ee barah abulshada ku qoray waxaa  uu ahaa mid kooban oo egnilsh ku qoran, wareysiga waa ka qara weynaa, dhaawaca iyo magac xumada uu dalka u geystay waa mid aan loogu dul qaadan Karin dajire ajnabi ah.

Qoraal kasta oo uu soo saaro iyo wareysi kastaa uu bixiyo kama saareyso inuu sidaas aflagada ah uga hadlo dal uu danjire  marti ah ku yahay.

Taariikh ahaan dadka uu ka soo jeedo waxay ahaayeen kuwa ay Somaliya weligeed u dagaallami jirtay inay helaan xuquuqdooda oo ay dowladda Itoobiya ka qaaddo culeyska nolol u diidka ay ee weligeed ku haysay dadka Arsi la yiraahdo ee ka dhashay.

Marnaba ma annaan fileyn ruux Arsi inuu amaanayo falalkii waxashnimo ee Minelik, marka waa inaan dhahnaa Itoobiyaay xaal qaado Arsi lama dulminin ee way ku faraxsanaayeen sida ay ula dhaqmeen boqorradii xooga ku haystay dalka Itoobiya ilaa 1974.

Danjire Mukhtaar Maxamed Waare  marna ma dhihin hadalkeyga waxaa uu ahaa khalad iyo waan gefey ee waxaa uu isku dayey markale inuu caqligeenna caayo oo waxaa  qoraal kooban oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in si khaldan loo dhigay wareysigiisa ayada oo ujeedka uu yahay marin habaabin, balse wuxuu sheegay inuu raalli-galinayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu yiri “Ereyadayda waa la marin habaabiyay…”tan ayaaba gef kale sii ah oo wuxuu rabaa inuu na yiraahdo adinkaa khalad la idiin fahamsiiyey wareysgeyga ee sax ayuu ahaa, waana caay kale oo uu nagu soo dhex tuuray.

Waxaan maqaallaa warar sheegaya in Dowladda federaalka Soomaaliya ay si weyn uga carootay wareysiga uu bixiya safiirka Itoobiya, oo uu ku taageeray heshiiskii Addis Ababa, oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, uuna sidoo kale sawir xun ka bixiyay caasimadda uu shaqada diblumaasiyadeed u joogay ee Muqdisho.