Aflagaadada aad Dadkaaga iyo Dalkaaga u Geysataa Sida Tarzan  iyo Cabdullahi Sh. Xasan Adigey kula Degtaa?

Reading Time: 2 minutes

Shalay ayey ka dhacday doorashadii aaqalka sare ee DG Hirshabeelle. Xaqa ma duugmo ee waa soo daahaa ayaa la maqli jiray. Dad badan oo sannadihii tagay afxumo iyo indhacadeys hunguri wado la soo taagnaa ayaa waxaa la soo gaaray goortii uu Waqtiga dharka ka siibi lahaa. Danjire hore ee Dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarzan iyo Cabdullahi Sheekh Xasan ayaa waxay Jowhar kala soo noqdeen guuldarro ay suuragal tahay inay caro u dhintaan kadib markii labadoodaba looga guuleystay doorashada Aqalka sare ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Doorashada uu hogaanka Hirshabeelle  soo bandhigay oo ah mid daah furan oo cid walba oo wax isku haysa loo ogolaaday ayey guuladdaro xanuun badan kala huleeleen labadii qof oo ay wadatay kooxda NN u wateen inay dadkoda ku dhibaan. Tarzan iyo Cabdullahi waxay ahaayeen shakhsiyaad dhuuni qaatayaal ah oo aan dal iyo dad toona dan ka lahayn, waxaana la sheegay in mid uu isla goobtii looga guuleystay ku xanuunsaday oo uu ku ceeboobay, kana kalana ay afka abuur ka timid.

Wararka laga helay xildhibaanada DG Hirshabeelle ayaa sheegaya in hanjabaadaha ka imanayey NN inay aad u badnaayeen sida in Cumar Finish oo handadaad u dirayey ehellada qaar ka mid ah xildhibaanada Jowhar inay u codeeyaan Tarzan iyo Cabdullahi sheekh Xasan haddii kale ay shaqada waayi doonaan. Cumar Finish waa ninka hadda ay Xamar la rafaadsan tahay oo meel walba ay bullaacad noqotay.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa muujiyey karti iyo isku kalsoonaan wadaniyad leh kadib markii uu Madaxdweynahooda  Cali Guudlaawe iyo Guddoonka Barlamankooda muujiyey waddainayad iyo hufnaan doorasho oo aad uga sarreysa dhammaan tan ka dhacday Dowlad Goboleedyada kale.

Tarzan oo xildhibaanada ugu faanay inuu wax badan qabtay xeelligii uu Duqa Muqdisho ahaa iyo hadda oo uu joogay safaradda Somaliya ee Dalka Kenya ayey xildhibaanada waxay fahmeen in aan lagu aamini Karin masiirka iyo danaha Hirshabeelle maadaama uu dhuuniraac yahay, beenloowna yahay . Sidaas darted wareeggii kowaadba sooma dhaafin oo waxaa ka saramaray nin dhaallinyaro ah Raage Xuuti oo ay ahayd markii ugu horreysay ee uu siyaasadda soo galay, hasa yeeshee Xildhibaanada Hirshabeelle waxay codkooda siiyeen shakhsi cid kasta oo Somali ah abaal ku leh oo aan dalka ka bixin weligiis shaqo yar ama tababar inuu baxo maahe Dr. Cusman Maxamuud Dufle (Cusman Biid), waxaana la hubaa inuusan codkooda khasaare ahayn.

Haddaba Tarzan oo intaas oo been ah sheegay iyo Cabdullahi sheekh Xasan oo intaas aflagaado ah bannaanka la taagnaa ma laga yaabaa in ay xil dambe ka qabtaan dalka iyo NN ? Haddey dhacdo waa ayaandarro weyn oo muujineysa inaan madaxdeennu weli korin oo dalka ku halligayaan shakhsiyaad calooshood u shaqeystayaal ah oo aan haddana laga amaan helyn afkooda,  qiyaamahana lagu la xisaabtami doono haddii ay hawl u diraan dadka noocaas ah. Tarzan iyo Cabduullahi ma jirto cid ay nabadgeliyeen haddii Farmajo oo NN oday adeege ah u ah waa caayeen, waxayna u sheegeen inuu iska tago iyagoo maalintaas ka cabsanayey inay soo dhowaatay maaliintii uu isbadalka iman lahaa.