Afhayeenkii hore Wasaaradda Amniga oo Rumeeyey Xog ay MOL ka qortay Dhagxaanta Jid-gooyada Xamar..

Afhayeenkii hore ee wasaaradda amniga Soomaaliya, Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa si adag uga hadlay xirnaashaha jidadka Muqdisho oo dhibaato ay ku qabaan shacabka ku dhaqan magaalada.

Cabdicasiis Xildhibaan oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga, isla markana la hadlay bar uu leeyahay wariye Ayaanle Xuseen  Cabdi oo wariye hore ah ‘Hanoolaato”  ayaa xaqiijiey maqaal ay horay u qortay MOL 30-kii Oktober 2019 oo sheegayey in waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho u xiran yihiin arrimo ganacsi, islamarkaana aysan aheyn arrimo amni. Halkan ka akhriso maqaalkaas.

Cabdicasiic Xildhibaan waxaa si uu si cad u rumeeyey qoraalkaa MOL oo mar waliba soo qorta xog in badan mar dambe dib ka ogaadaan.

Xildhibaan oo horay uga soo shaqeeyey wasaaradda Amniga gudaha oo uu wasiir ka yahay Ducaale waxaa uu yiri “Wadooyinka Muqdisho waxey u xiran yihiin arrimo Ganacsi, ma ahan arrimo amni, shirkadda sameysa ee ka ganacsatada Dhagaxyada lagu gooyo Jidadka Muqdisho waxaa leh wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Isloow, waxaa shirko kula ah Ra’isul Wasaare Kheyre, waxey kamid yihiin askarta bil walba 500$ ilaa 700$ ayaa mushaar ahaan loogu bixiyaa,”

Ugu dambeyn Muqdisho waxaa ka jirta laba awoodood oo haddana dadka wada baada. Mar haddii ay Canshuuraha ku heshiyeen waxaa haboonaan lahayd inay magaalada isu furaan hasa yeeshee waxaa mesha ka baxay adhaqaalaha ay KHeyre iyo Ducaale ka smeeyaan dhaxaanta oo lagu sii ballaarinayo hadda dhammaan magaalada.

Sida uu sheegay Afhayeenka dhaqaalaha waxa lagu bixiyaan tiradooda oo dhagax waliba waa askari lacag qaata, iyadoo soo sameyntiisana lacag kale lagu qaato.

Tani waxay muujineysaa dhibaatada ay dowladdaan dalka iyo dadka u geysatay. Sidaas darted mudane MW Farmajo is Casil.

YAY U XIRANYIHIIN JIDADKA #MUQDISHO

YAY U XIRANYIHIIN JIDADKA #MUQDISHO- AFHAYEENKI W. AMNIGA ABDIAZIZ IBRAAHI XILDHIBAAN

Hanoolaato यांनी वर पोस्ट केले मंगळवार, ५ नोव्हेंबर, २०१९

mm
Axmed Geelle

Muqdisho Online. Xafiiska wararka Geeska Afrika. Waxaad kala xiriiri kartaa [email protected] ama twitter @muqdisho_online

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here