Afhayeenkii Al-shabaab oo la rumeeysan yahay in uu u xuubsiibtay kooxda Daacish

Reading Time: < 1 minute

Cali maxamuud Raagge (Cali dheere) ayaa la rumeeysan yahay in uu u xuubsiibtay kooxda Daacish sida aan xogta ku heleeyno,waxaana arinkaani ay culeeys xoogan ku noqon kartaa Kooxda Al-shabaab.

Al-shabaab iyo koox ajaaniib ah oo ka barbar dagaalameeysan ayaa dhawaan ku dirieay deegaano dhaco gobolka jubadda hoose kuwaasi oo la sheegay in ay u kala baxeen shabaab iyo daacish.

Afhayeenka Cali maxamuud Raagge (Cali dheere) ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa laga waayay fagaarayaasha hogaamiyayaasha al-shabaab lagu arkaayay waxaana la tuhmaayay in aanu wanaagsaneeynin xariirkooda hoose.

Talaabadaani ayaa waxaa ay sidoo kale culeeysin kartaa Dowlada soomaaliya taasi oo la ogsoon yahay in aysanq qaadin weeraro ka dhan ah kooxaha Argagaxisada ah tan iyo markii ay talada dalka la wareegeen.

Dad badan ayaa aaminsan in DFS ay masuul ka tahay in ay tarmaan kooxahaani,sababtoo ah waxaa ay heleen fursado ay dhexdoodu iskugu mashquulaan maadaama aysan ka baqdin qabin weerar uga yimaado dhinaca dowladda.