Afhayeenka XFS Macalimuu oo Muqdisho dib ugu soo laabtay.

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Muqdisho waxaa maanta dib ugu soo laabtay oo lagu soodhaweeyay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu, kadib markii uu kasoo bogsaday qarixii uu ku dhaawacmay ee lala eegtay Gaari u saarnaa.

Soodhaweynta Afhayeenka waxaa qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Bahda Saxaafadda, Ehelkiisa iyo qaar kamid ah saaxiibadiis.

Macalimuu ayaa  haatan ah musharax u taagan Mid ka mid ah kuraasta deegaan doorashadooda tahay Beledweyne, isagoo qorshihiisa imaanshaha uu salka ku haayo u tartamida kursigaas Golaha Shacabka ah ee Baarlamaanka 11-aad.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu waxaa uu dhaawac culus kasoo gaaray qarax ismiidaamin ah oo muqdisho lagula eegtay  16-kii Bishii Janaayo, iyadoo dhaawicii kasoo gaaray qaraxaas loo geeyay dalka Turkiga si xaaladiisa caafimaad halkaa loogu dabiibo.