Afhayeenka ONLF oo sheegay in ay heleen xaquuq ka maqneed Mudo dheer

Reading Time: < 1 minute

Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani, Afhayeenka ururka ONLF oo wareysi  siiyay TV-ga Horn Cable  ayaa ka hadlay  sida ay u arkaan go’aanka kasoo baxay shirarkii dhawaan dhacay ee   Jabhadda ONLF

Afhayeenka ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge, ayaa sheegay in Iminka ay rajo wanaagsan ka qabaan in dalka Itoobiya xaquudii ay ku lahaayeen ay ka helaan maadaama ay ka dhaceen isbdelo badan kuwaasi oo wax ku ool noqday.

Cabdiqaadir Xasan Hirmooge, waxaa uu sidoo kale uu soo jeediyay mahad-celin dadka uu sheegay in ay qeyb ku lahaayeen xaq la soo celiyay“Maanta ma joogno itoobiya nala dagaalameeysa ee waxaan la joognaa mid na leh maxaa idiin daran/

Tan iyo markii DDS uu la wareegay Mustafa Muxumed Cumar”CAGJAR” waxaa bilaawday isbedelo waa wayn iyadoo dhulka soomaalida ay gaareen xubnaha ugu sareeyo Jabhadda ONLF

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!