Afhayeenka Gobolka Gedo Maxamed C/laahi Good Oo Ka Dhawaajiyay In Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madowe Uu Ku tunto Bulshada Jubooyinka

Reading Time: < 1 minute

madaxwyenaha maamulka jubbaland axmed islaam axmed madoowe ayaa dhawaanahanba la kulmayay eedeymo kala duwan oo nkaga imaanayay dhanka shacabka,masuuliyiinta,siyaasiyiinta reer jubbaland maadaamada maamulkiisa lagu dhaliilay hab maamulkiisa ee ku dhisan caburinta iyo musuq maasuqa.

afhayeenka gobolka gedo maxamed c/laahi good ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in maamulka jubbaland uu ka qaldamay aas aaska lagu dhisay waxaa uu sheegay in kooxda al shabaab iyo maamulka uu hogaamiyo axamed madoowe ay isku mid yihiin maadaama ay isku mamda aaminsanyihiin kaasi oo ah burbrinta iyo baabinta dadka iyo dalka soomaaliyeed.

afhayeenka waxaa uu sheegay in dowladda dhexe aysan wax luga aysan ku laheen maamulka ay isku biirsadeen duminta jubbaland taasi oo noqon karta mid dowladda dhexe u horseeda fashil maadaamada dowladda looga baahan yahay iney la xisaabtanto maamulada dalka ka jira.

waxa uu sidoo kale tibaaxay afhayeen good in ciidamada qeybahooda kala duwan ee ka hoowlgala ay yihiin kuwa lagu soo xulo hab beel islamarkaana ka amarqaata axmed madoowe

geesta wuxuu carabka ku dhuftay in axmed madoowe aysan ka goneen inuu deegaanada jubooyinka laga xoreeyo kooxda al shabaab maadaamada uu weli ka tirsan yahay oo dhaqaalaha kasoo xarooda maamulkaasi uu wax kaga maalgaliyo urukaasi.

sikastaba ha ahaatee madaxweynaha maamulka jubbalnd axmed islaam axmed madoowe ayaa dadka kasoo jeeda deegaanada maamulkaasi waxa kaga imaanayo eedeymo kala duwan oo ay ku doonayaan in uu xilka isaga dago.