Afhayeen Maamulka Galmudug”Ciidanka Xasilinta ayaa I Afduubay iina geeysatay falal Anshax xumo ah”(VIDEO)

Reading Time: 2 minutes

Gelinkii dambe ee maanta ayay aheyd markii ay Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya xabsiga dhigeyn Afhayeenka Maamulka Galmudug Cabdullaahi Xaashi Faarax (roob Da’ay) balse ugu dambeyn lasiidaayey.

Laamaha amniga Soomaaliya weli mashaacin sababta loo xiray Afhayeenka oo ku sugan Muqdisho,balse War qoraal ah oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku xaqiijiyey in uu xurriyadiisa dib u helay.

Hayeeshee markii uu soo baxay xariga Afhayeenka Galmudug ayaa waxaa durba jiray Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya oo xarigaas cambaareeynayey,waxana ka mid ahaa xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa,isaga oo sheegay in xurriyadiisa lasiiyo.

Sidoo kale weli wax faah faahin ah kama bixin Saraakiisha Hay’adda NISA sababtii ay u xireyn Afhayeenka Maamulka Galmudug Cabdullaahi Xaashi Faarax (Roob da’ay).

Afhayeenka oo ah mas’uul ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ah nin la yaqaanno oo aan aqoondarri loo xerin balsa loo xeray ujeeddo laga lahaa. Ujeedada muhiimka ah ee loo xeray ayaa u muuqata inay tahay inuu ahaa shakhsi horay loo raadinayey. Afhayeenka oo hadlay ayaa sheegay in la jir dilay, dharkana laga furay iyadoo laga qaaday sawirro isagoo qaawan. Runtii waa naxdin arrin noocan oo kale ah inuu ka dhaco Somaliya xelligaan waayo dadku waa muslim waxaana xaaraan ah in cawrada qofka loo bareero in la fiiriyo iska dhaaf in sawirro laga qaadee. Waxaa uu sheegay in loogu hanjabay ina baraha bulshada la soo dhigi doono sawiradda qaawan ee laga qaaday haddii uu mar dambe dawladda, Madaxweynaha, ama RW wax ka sheego.

Haddii ay dhacadadani run tahay waxay dawladda oo Xamar kaliya ku amar ku taagleysaa ku sifoobeysaa waxa waddamaas galbeedka looga yaqaanno policing State. Wa gef disturi ah oo haddii dawladdu ogtahay ay tahay inay ka  jawaabto, haddii aysan ogeynna waa in maxkamad la horkeeno mas’uulkii amray oo aysan noqon wixii lagaula dhaqmay Xildh. Jen. Cabdi Qeybdiid , Cabdiraxan C/Shakuur Iyo dad badan oo aan la ogyen. Sidoo kale waxay Muqdisho ka dhigeysaa meel gaajo soo koreysay hal sano Iyo bar ayaa lagu noolaaye hadda lagu noolaan doono cabsi joogto ah oo ay fara xumeynta noqon doonto mid ay caadeystaan cidda waxaan ku kacday iyo tii amartayba.

Haddaba waa su’aale aaway dawladdii? Aaway Madaxweynihii? Aaway R/Wasaarihii ? Awaay hay’adihii xuquuqda aadanaha ee u hadli jiray kuwa dulman? Misa waa markey dantooda a dhex arkaan oo kaliya?