Afgambi dhicisoobay oo ka dhacay dalka Suudaan

Reading Time: < 1 minute

Dalka Suudaan waxaa aroornimadii hore ee saakay ka dhacay isku day afgambi balse fashilmay sida ay tabisay Warbaahinta gudaha inkasta oo aanay sheegin cidda ka dambeysay Inqilaabkaas guuldareystay.

“Waxaa fashilmay isku day Afgambi, Dadku waa in ay kahortagaan arrintan” ayaa lagu yiri warka laga soosaaray arrintaan oo saacado kaddib ficilkaas ay ogaatay Warbaahinta sida ay ku warrameen Teleefishinka Aljazeera& Wakaaladda Wararka Reuters.

Mas’uul katirsan Dowladda haatan ka talisa Suudaan ayay wararku sheegayaan in ay sameeyeen isku dayga xukun-marooqsiga ah si ay meesha uga tuuraan maamulka afgambiga talada ku qabsaday.

11-kii April 2019-kii ayaa xukunka laga tuuray Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir oo qudhiisa xilka ku qabsaday Xukun-marooqsi uu ku sameeyay xukuumaddii Saaddaq Al Mahdi sanadkii 1989.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!