Markii seddexaad ee ay kulmeen Farmajo iyo Afawerki ayey sheekadaan dhex martay, waxaana goob joog ka qof hadda shaqada ka tagay oo goostay inuu nala wadaago. Qofkaas waxaa ayaa qaday qoraalkii kulanka (Minutes of the meeting).
Afwareki: Farrmajow haddii aad rabtid inaad dal xukuntid waxaa loo baahan yahay tallaabooyin adag iyo ciidan fuliya tallaabooyinkaas. Annagga qorshaha waa kuu dejin karnaa ciidanna waa kuu tababari karnaa. Dalkiinna wuxuu nagu leeyahay abaal waana inuu helaa dowlad joogto ah. Waxaan Garbiga (Galbeedka) wad wadaan Somaliya uma bisla ee waqti haku lumin. Waxaad u baahan tahay gacan adag iyo ciidan adiga kaa amarqaata. Sidaas ayaad sharaftiinna ku soo ceshan kartaan.
Farmajo: Waa talo fiican ee maxaad nagu caawin kartaa my barada?
Afawerki: Waxaan kuu sheegay a) Ciidan kuu gaar ah, b) Doorasho doorasho oo aadan waqti ku lumin. Doorasho waxay dhaceysaa ku dheh marka uu dalkeyga diyaar u noqdo. Fiiri waddama dhismay waxay heleen Madax muddo dheer joogtay sida Mr. Geelle, Mr Musafeni, Mr Kagame.
Farmajo: Waa runtaa hadda waxaa aragnay in Dowlad Goboleedyada aysna warkeenna maqleyn.
Afawerki: Marka dowlad goboleed wax la dhaho jooji oo mid mid ugu badal qof adiga kula shaqeyn kara, kadib barlamaan ku sheegga kuu dhisan gacanta ku dhig oo u samee madax adiga kuu daacad, taliyayaasha ciidamada ka dhig dhallinyaro adiga kaa amarqadato.
Farmajo: OK
Afawerki: Xoog iyo Xeelad Somaliya waxay u baahan tahay dowlad waarta oo aysan madaxdeedu is badabadlin afartii sanoba. Fiiri Madaxdweynayaashii kaa horreeyey mid soo noqday ma jiro, adigana ma soo noqoneysid ee hadda wax ka qabao oo bilow sidaad ku soo noqon lahayd.
Farrmaajo: Waa sax dalkaan uma baahna is badbadal mar waiba Ismaciil Cumar Geelle wuxuu jooga intaas oo sano Jibuuti wuxuu ka dhigay meel horumarsan.
Qoraha: Afawerki markii la soo hadal qaaday Ismaciil ma jecleysan oo madaxada ayuu lulay laakiin waxba kama dhihin.
Afawerki: Laba waxyaabood ayaa u baahan tahay si aad wax u badashid mid waa kuu sameyn karnaa oo waa ciidan gaar ah oo adiga aan kuu tababarno, laakiin lacag ayaad u baahan tahay hawlahaas lagu furdaamiyo kuumana heli karno annaga.
Farmajo: Lacag waan heli karaa oo Qatar iyo Canshuurta Xamar ayaa igu filan ee ciidan ii tababara si degdeg ah.
Afawerki: Degdeg looma baahna ee lacagta keenso ciidankana soo dirso, aaway Gen. Filipos (Taliyaha Ciidamada Erateriyo, ahna wasiirka Gaashaandhigga) ha loo diyaariyo tababarro ciidan ilaa 5000 ama ka badan iyo wixii ay rabaan.
Qoraha: Madaxda ayuu lulay Gen. Filipos salaannna waa saaray.
Afawerki: Marka si hawshaas dhakhso loogu gudagalo maxaa u baahan tihiin?
Farmajo: Runtii, my Brada, ma naqaanno waxa aan u baahannayba si aa u guuleysano.
Afawerki: Hawlahaas oo dhan waxaa kaala shaqeynaya Sirdoonkeenna oo haddaba Xamar kuu raaci doona si ay u soo qiimeeyaan xaaladda. Waxaa loo baahan yahay dhammaan sarkiisha waaweyn ee aragtida leh ee oranaya sidaan looma shaqeyn jirin iwm. talada ka wareeji oo soo saar dhallinyaro aan khibrad badan lahayn oo wixii loo dira fulinaya, una diyaari lacag oo iyaga maalgeli si ay u ilaashadaan xukunka. Aniga mushaaraadka ugu badan waxaa qaata ciidamada iyo sirdoonka, waayo xukunka iyagaa ilaashanaya oo waxbey ku qabaan.
Farmajo: Waa ku dhaqaaqeynaa.
Afawerki: Sirdoonka ayaa iyagana aad u muhiim ah kuwaas oo noqonaya kuwa shacabka iyo madaxda kale gacanta ku qabta kuwaas oo isticmaalaya waxkasta oo loo baahan yahay si loo gaaro hadafka iyo waajibaadka la siiyo.
Farmajo: Sirdoonka Gacantaan ku haynaa.
Afawerki: Laakiin sirdoonka iyo Ciidanka waa inay u jihaysan yihiin in wax doorasho la yiraahdo ay Meesha ka baxdaa oo dalkaan uu yeesho dowlad soo celisa sharaftii iyo awooddii Somaliya oo muddo dheer jirtaa.
Farmajo: Waa sax lakiin waxaa adag in aan doorasho ma dhaceyso hadda aan dhahno.
Afawerki: Waxba hadda haka dhihin laakiin adinka is diyaariya oo abuura awood aad xitaa xoog kula wareegi kartaan haddii loo baahdo. Sidoo kale shacabka waa inay ka daalaan doorashada iyo buuqeeda oo ay gaaraan war naga dhaafa, waana inay cabsadaan haddii kale isbadal ma iman karo, isbadal xoog iyo xeelad la isku daray ayuu u baahan yahay.
Farmajo: Thank you my brada.
Afawerki: Aniga Somaliya waan jecelahay waana kugu kaalmeynayaa waxkasta oo hadafkaaga kuu fududeynaya.
Qoraha : Farmajo Oo kala badbatay ayaa fadhiga ka soo booday oo Afawerki rabay inuu xabadka saaro, laakiin Afawerki oo toddobaatan kor u dhaafay, nin dheerna ah ma soo boodi Karin oo kursiga ayuu gadaal ugu dhacay waxaana isla markiiba soo orday ilaaliyaasha oo garabka soo qabtay wuxuuna yiri OK. OK.
Muqdisho Online oo weligeed aaminsaneyd in Farmajo uusan doorasho u socon ayaa waxay aaminsan tahay in qofka wareysiga nasiiyey uu rumeeyey wixii aan horay u qabnay. Hadda ayey xaaladaasi soo muuqataa oo waxyaabaha dhacay bishaan Marso ee 2022 waxay muujinayaan in jidkaas lagu joogo oo ama waa Afgambi ama waa Farmajo oo soo noqdaa.