Sida ay ilo wareedyo ku sugan Madaxtooyada u xaqiijiyeen MOL waxaa maalinta berri ah ku soo fool leh magaalada Muqdisho hoggaamiyeyaasha dalalka Ethiopia iyo Eritrea.
ilo xog-ogaal ah ayaa MOL u xaqiijyey in berri subax ay Muqdisho ku soo wajahan yihiin ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki.
Kulankan ayaa daba-socdo midkii Gondar ee gobolka Baxar-daar .
Heshiisyada seddexda Dal aay wada galeen
1) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Asmara 5 – 6 September 2018 ee lagu sheegay war murtiyeedkii kasoo baxay in lagu heshiiyey 4 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni oo sadexda dowladood sameystaan.
2) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018