
Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse, ayaa sheegay in dowladiisa ay wado qorshe ay ruqsad ku siineyso bankiga dalka Masar ee (The Bank of Egypt).
Afar sano oo dagaal siyaasadeed ah ka dib, DFS ayaa sheegtay inay bishan ruqsad siin doonta bankiga dalka Masar. Dowlada Masar, gaar ahaan safaaradeed ayaa laaluush kor u dhaafaya $3 Malyan oo dollar loofa qaatay. Laaluushkaas waxa qaatay xukamadihii dalka isaga danbeeyyay oo ay kujirto tan hada uu RW Rooble hogaamiyo.
Waxaa kale oo jira shaqsiyaad saami laga siiyay howlaha uu baniga ka qaban doono dalka Soomaaliya, shaqsiyaadkaasna wxaaa kamida Wasiirkii Arimaha Dibadda ee hore Maxamed Cabdirisaaq oo qabo gabar u dhalatay dalka Masar iyo Ra’iisal Wasaare Rooble, kaas oo dad gaar u xilsaartay hoowshaas.
Wasiirka oo wareysi siinayay wargeyska Sharook News ee kasoo baxa dalka Masar, ayaa sheegay in Guddiga Sare ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ay bishan soo saari doonaan ruqsada bankiga Banque Misr (Bank of Egypt), si uu uga hawl-geli karo dalka Soomaaliya.
Sida uu wareysiga ku sheegay wasiirka, dowladda Soomaaliya ayaa dhammeystirtay hannaankii bankiga lagu siin lahaa ruqsada, waxaana uu noqon doonaa Banggigii ugu horreeyay oo ajnabi ah oo ka howlgalla Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse, ayaa ku booriyay dadka Masaarida inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameynayaan Soomaaliya, isagoo xusay in dalka uu baahi weyn u qabo xirfadlayaal ku xeel dheer dib-u-dhiska dhaqaallaha dalka.
Sannadkii 1920-kii ayaa la aas-aasay Bangiga Masar, waxaana aasaasay maalgashadayaal gaar ah balse markii dambe waxaa qarameeyay dowladda Masar sannadkii 1960-kii.