Af-hayeenka Al-shabaab oo amray in la dilo Guddoomiyaha G. Mudug Sanyare

Reading Time: < 1 minute

Sida uu cod laga soo duuabya Af-hayeenka ururka Argagaxisada ee Al-shabaab Cali Maxamuud Raage, oo loo yaqaan Cali Dheere, ku sheegay waxa uu  amray in la dilo Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dowladda Puntland, Cabdilladiif Muuse Nuur (Sanyare). Cali Dheere, wuxu sheegay in aysan marna u dulqaadan karin dagaalka Guddoomiye Sanyare ku hayo Kooxda Al-shabaab, sidaas darteedna uu amar ku bixiyay in meeshii lagu arko lagu dilo Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Cali Dhere ayaa wuxu tilmaamay in Gobolka Mudug uusan soo marin nin sidaas ay uga go’antahay La-dagaallanka Al-shabaab, islamarkaana doonaya in uu masaajidda ka ugaarsado dagaallamayaasha kooxda. Af-hayeenka Al-shabaab, ayaa sidoo kale sheegay in Guddoomiye Sanyare uu Culimaa’udiinka masaajidda ku dirqinayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, taasina muujinayso halka uu gaarsiisanyahay dagaalkiisa.

MUDADA U HARSAN XILKA MADAXWEYNE FARMAAJO
1 7 days
0 1 hours
0 7 minutes
0 2 seconds