Af-gooye oo hadii gabalku dhaco aan laga socon cabsi awgeed (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Sida uu warbaahinta u sheegay Nabadoon Shariif Cali Maxamed Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose waxaa ka taagan arrin halis iyadoo ay ka jirto cabsi tii ugu xooganeed ebid ee degmadaasi.

Waxaa uu sheegay in hadii gabalku dhaco qof walbo uu gurigiisa galo islamarkaana Al-shabaab ay wareegeen xaafadaha Magaalada iyagoo la baxo qofkii ay doonaan.

Nabadoonka ayaa xusay in xitaa Ciidamada Dowlada ee joogo degmada  aysan socon habeenkii islamarkaana ay joogaan xarumahooda oo kaliya.

Al-shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay kusoo xoogeeysteen Gobolada Shabeelooyinka iyo Banaadir.