Adkeynta Amniga magaalada Garowe oo la dardar-galiyay

Reading Time: < 1 minute

hir looga hadlayo amniga guud ee caasimadda Puntland ee ayaa maanta lagu qabtay magaaladaas.

Kulanka oo uu Shir-guddoomiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Taliye kuxigeenka Booliska Puntland, Taliyaha Qeybta Booliska gobalka Nugaal iyo saraakiisha kale ee Hay’addaha Amniga.

Shirka ayaa intii uu socday si gaar ah diirada loogu saaray kor u qaadista Amniga caasimada, howlgalinta saldhigyada iyo sidii loo xoojin lahaa shaqooyinka amniga joogtada ah ee socda.

Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa faray saraakiisha Amniga in la dardargeliyo amniga caasimadda, sidoo kalena la xoojiyo wada shaqeynta Booliska iyo bulshada.