Addis Ababa oo hubkii ugu badnaa lagu qabtay, iyo xaalada Itoobiya oo ka sii daraysa

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaanya  magaalada Addis Ababa ee Magaalo Madaxda dalka  Itoobiya  waxaa  magaalada lagu qabtay hubkii ugu badnaa kaas oo isugu jiray  qoryo iyo bistooladood aad u farabadan.

Booliska Federalka dalka  Itoobiya ayaa Xaqiijiyay  inay hubkan ku qabteen xafaada Kolfe Keranio oo ku taala magalada Addis Ababa. Arintan ayaa timid kadib markii ay booliska federalka ay howlgallo ka fuliyeen xafaada Kolfe Keranio.

Waxaa dalka Itoobiya ka socda hub urursi iyo isbahaysiyo taas oo timid ka dib markii dalka uu galay xaalad xasilooni dari ah ka dib markii doorashadii dib loo dhigay. Addis Ababa ayaa waxaa lagu soo daad gureeyay hubka noocyadiisa kala duwan ilaa hadana lama ogo cida rasmiga ah ee kadanbaysa ama dabada ka riixaysa in bub intaas gaadhaya lagu soo daabulo magaalada.