Adan Ducale oo sheegay in Kenya saldhigyo ciidan ka dhisayso xuduuda labada dal

Reading Time: 2 minutes

Kenya ayaa 14 saldhig oo qalabaysan ka dhistay xadka Kenya iyo Soomaaliya, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ammaanka aaggaas. Wasiirka Gaashaandhigga, Aadan Ducaale ayaa sheegay in Saldhigyadan ay yihiin qorshaha dhimista ciidamada Kenya ee Soomaaliya.

“Waxaan si buuxda nooga go’an in marka la dhimo Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) in dalkeena uu amni ahaado,waxaan xaqiijin doonaa inaysan Alshabaab aysan magangalyo u soo doonan gudaha dalkeena Kenya.” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Kenya.

“Ciidamadeenu waxay si muuqata uga sugan yihiin xuduudka si ay u hubiyaan in Kenyanku ammaan yihiin,” ayuu sii raaciyay.

Ciidamada Kenya ayaa u jooga Soomaaliya si ay u baacsadaan oo ay u xakameeyaan dhaq dhaqaaqyada kooxda argagixisada ah.

Madaxweyne William Ruto ayaa wareysi hore ku sheegay in dhimistu ciidamadu ay bilaaban doonto sanadka 2024-ka si Soomaaliya loogu ogolaado inay xasiliso.

Ducaale waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu hor-tagay Guddida Waaxaha ee Difaaca, Sirdoonka iyo Xiriirka Dibedda si uu u difaaco Miisaaniyadda Wasaaradda ee Sannad-maaliyadeedka 2023/24.

Ducaale waxa uu Baarlamaanka ka dalbaday in Miisaaniyad ku filan loo siiyo Wasaaradda Gaashaandhigga si ay ugu fududaato dadaallada ballaarinta iyo casriyeynta ee ay waddo si kor loogu qaado awoodda Ciidanka Kenya.

Xadka kala qeybiya dalalka Kenya iyo sooomaaliya ayaa waxaa ka dhacay weeraro isdaba joog ah oo uga imaanayay maleeshiyaadka oo xilliyada qaar gacan ka helaaya dadka deegaanka.

Deegaanka ayaa ku dhow xuduudka Soomaaliya, waxaana dableyda ay inta badan u tallaabaan sidii ay rabaan oo ay weeraro uga geystaan ​​ka hor inta aysan dib u baxsan.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaaday deegaano ka tirsan gobolka gaar ahaan ismaamulada Mandera iyo Gaarisa, taasi oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo isugu jira shacab iyo askar.

Warkan ku saabsan dhismaha saldhigyada ay dowlada Kenya ka dhistey xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku soo beegmaya iyadoo labada dowladood ee Soomaaliya iyo kenya ay ku heshiiyeen in dib loo furo xadka.