Adan Barre Ducaale oo sheegay in ay Soomaaliya ku abaal dhacday Kenya

Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale  oo wareysi siiyay warbaahinta  ayaa  siyaabo kala duwan uga hadlay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waxa uu si adag uga hadlay khilaafka dhinaca Xuduud badeedka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya waqtiga dheerna soo jiitamayay.

Aadan Barre Ducaale ayaa xasuusiyay shacabka Soomaaliyeed in wanaag badan uu ka dhaxeeyo Somaliya iyo Kenya waxaana uu sheegay in uu ka xunyahay in khilaafkaan uu meesha ka saaro derisnimada iyo wanaagii tan iyo xornimadii ka dhaxeeyay labada dowadood.

Waxa kale oo uu sheegay in Dowlada Soomaaliya ayaa ku abaal dhacday dalka kenaya isaga oo xusay in  in dadka Soomaaliyeed inta ay ku heystaan Kenya in aysan ku heysan dalalka kale ee caalamka sida Ganacsiga iyo nolosha kale gaar ahaana kuwa Africa ee deriska la ah Soomaali.

Isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri “Wasiirada Somalia Caruurtooda ayaa halkaan degan Madaxweynayaashii Soomaaliya soo maray iyo kuwa haatan Xaasaskooda ayaa halkaan degan intaas oo sano ayaana heynay Somali Xaqooti ah oo marti ay noo ahaayeen”.

Hogaamiyaha Aqalabiyadda Kenya oo wax laga weydiiyay mowqifkiisa ku aaddan arrinka badda ayaa sheegay in Habeenkii uu yahay nin Keenyaati ah Habeenkiina Soomaali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here