Gudoomiyaha aqalabiyadda baarlamanka Kenya Mudane Adan Barre Ducaale oo horay u tagaeersanaa Madaxweyne Farmaajo ayaa labadii asbuuc ee ugu danbeeysay shirar gooni-gooni ah la qadanayay Mucaradka ka soo horjeedo dowlada Farmaajo. Kulamadaan ayaa waxa lagu micneeyay in u jeedadooda tahay in uu cabsi galiyo Farmaajo si uu dhaqaalihii uu horay loo siin jiray oo laga goostay dib loogu soo celiyo.
Adan Barre Ducaale oo ay dhawaalahan la soo daristay culays siyaasadeed ee ka soo wajahay xisbiga talada haya gaar ahaan Madaxweyne Uhurru Kenyanyatta, kaas oo gabi ahaanba calaaqaaadkii loo jaray ayaa noqday mid go’doon ka ah xunkunka hadda ka jira Kenya. Adan Barre ayaa dhaqaale ku bixyay warbaahinta Soomaalida in ay tabiyaan ama faafiyaan in mooshin looga soo horjeedo dowlada Soomaaliya laga wado magaalada Nayroobi. Waxaa jira shaqsiyaad uu lacag siiyay si warkaas u tabiyaan. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay shabakata MOL ayaa xaqiijinaya in uu shalay khadka teleefanka uu kula hadlay RW Kheyre isaga oo kaal hadlay arimo la xiriira sidii dhaqaale loo soo gaarsiin lahaa. Qaar ka mida mucaaradka ku shirayay magaalada Nayroobi oo aan wareeysanay ayaa inoo sheegay in Aadan Barre Ducaale “uusan waxna diidi karin waxna ogolaan karin, siyaasada Kenya waa is badashay, isaga ayaa maalmihii u danbeeyay codsanayay in uu la kulmo mucaaradka. Waan og nahay in uu lacag ku raadsanato la kulanka mucaaradka laakiin Farmaajo ayaa ay u taalaa hadii uu lacag ku siinayo mucaarad ayaan la kulmay”