Gudoomiyaha Aqalabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya Mudane Adan Barre Ducaale ayaa habeenkii xalay ahaa shir uu ka qayb galay ku sheegay in uusan wax xiriir ah kala dhaxeeynin ninka lagu magacacaabo Fahad Yaasin. Wararka MOL kaga imaanya magaalada Neyroobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Adan Barre Ducaale dareemayo culays siyaasadeed ee kaga imaanayo hogaanka ugu sareeya dalka Kenya uu uu ku jiro Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruuto. Labadaan hogaamiye ayaa u arko in Adan Barre ka soo horjeedo qorshaha Madaxweyne Uhuru. Adan Barre ayaa yiri “ wararka maalmahan warbaahinta Keenya iyo kan Soomaalida ku jira ee sheegaya in aan aniga saaxiib dhaw la ah ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin ma aha war jira, aniga ninkaa dhowr mar baan shaah la cabay, sida aan ula kulmo siyaasiyiinta Soomaalida ee Keenya timaado ayaana ula kulmay” Aadan Barre waxa uu ku daray “Soomaaliya dhib badan baa haysto Keenyana waxa ay doonaysaa in Soomaliya noqoto mid horumar sameeyso, labada wadana waa ay ka go’an tahay in ay ka hortagaan cid kastaa ee ku xadgudbaysa sharciga Keenya”
Adan Barre Ducaale oo iska fogeeyay xiriirka Fahad Yaasiin. Maxaa is badalay?
Reading Time: < 1 minute