Adan Bare Ducaale: Sacuudiga wax yaab leh ayay nooga sheegeen Farmaajo! Muxuu sheegay?

Reading Time: 2 minutes

Aden Barre oo quus ka jooga Farmajo

Waxa dhawaan safar shaqo ah ku tagay dalka Sacuudiga wafdi uu hogaaminayay gudoomiyaha baarlamanka Kiinya Mudane Justin Muturi, waxaana wafdiga ka mid ahaa hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kiinya Mudane Aadan Barre Ducaale.

Wafdiga oo ku sugnaa dalka Sacuudiga mudo asbuuc ah ayaa waxa ay la Kulmeen  Wasiirka arimaha dibadda ee Sacuudiga Mudane Adel al-Jubeir. Wasiirka ayaa kala hadlay wafdiga arimo badan oo ay ku jirto arimaha Soomaaliya.

Sucuudiga oo sheegay Somaliya inay burburi doonto

Mar uu la hadlayay Adan Barre Ducaale ayaa Wasiirku sheegay in Soomaaliya meel xun ku socoto, burburka Soomaliyana ay saameyn doonto dowlada Kenya. Adan Barre Ducaale ayaa u sheegay Wasiirka  in uu xiriir la leeyahay Farmaajo fartiina uu gaarsiin karo Farmaajo hadii loo baaho.  

Wasiirka ayaa la soo booday “ ninkaas ma aha mid balan leh,  si si buuna doqon u yahay! waqti ha isaga lumin anaga ayaa horay ugu daalnay”. Wasiirka ayaa ku daray, “Waxa aan garan la’anahay sida qof noocaas ah Soomali doortay”

Farmajo oo qirtay in la haysto ee Yaa haysta? Ma sixirka Walaashiis shegeysaa? Misa waa raggii kensaday?

Adan Barre ayaa sheegay in ay aad ula yaabeen dhaqan xumida laga sheegayo Farmaajo. Adan ayaa yiri “war Sacuudiga waxa ay inoo sheegeen in Farmaajo u sheegay in uu yahay nin la hayste ah” Wasiirka waxa uu inoo sheegay yaab ayay la noqotay wafdiga oo dhan, gaar ahaan kuweena Soomaliga ah.

Adan ayaa ku daray bal adi arag “ Madaxweyne dalkan sheegaya in  nin Fahad la yiraahdo iyo kooxdiisa ay haystaan” Adan ayaa ku daray, “war doqonoo ma war noocaas ah ayaa dolwad kale loo sheegaa!” Waxaan shaki ku jirin in farmaajo ceeb u soo jiiday beesha daarood iyo Soomaali oo dhan.

Arrinkani wuxuu xaqiijinayaa inuu arrin u baahan in barlamanka haddii dad dammer lici ku harry ay soo fageliyaan walos madaxdoodii la iibsaday oo laga saxeexay waraaq ku khasbeya inuu horjoogosado waxkasta oo dawladda u keeni kara la xisaabtan Iyo sixid.

Hadalkan cida laga soo wariyey maaha cid Farmajo mucaarid ku ah ee waa mid ka mid ah taageerayaashiisa ugu xoogga badan ugan af dheer Aden Barre Ducale, isla mariana ah mas’uul sare oo dawladda kenya ka tirsan.