Abwaan Sangub oo Muqdisho laga Af-duubay (Halkee la geeyay yaasa ka dambeeyay falkaas?)

Reading Time: < 1 minute

Warar soo baxaya oo ay heshay MOL ayaa waxaa ay sheegayaan in si aan wanaagsaneeyn loola dhaqmay Abwaanka Soomaaliyeed Maxamuud Ciise Sangub oo sanadhii ugu dambeeyay ku noolaa Mgaaalada Muqdisho.

MOL ayaa loo xaqiijiyay in si farsamo ah looga qaaday Muqdisho islamarkaana lagu yiri waxaa laguu wadayaa Xajka iyadoona laga dajiyay Magaalada Jig-jiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Sangub ayaa dhowr  jeer oo hore waxaa uu diiday dalab uu usoo diray Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Musfata Maxamuud Cumar (Cagjar),waxaana loosoo diray ruux ay ehel wadaag yihiin.

Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya xubno ka tirsan iyo Safaarada Itoobiya ee Muqdisho ayaa arrinkaan kaalin weeyn ka qaatay sida Ehelkiisu ay inoo xaqiijiyeen.

Warar kale oo ay heshay MOL ayaa waxaa ay sheegayaan in Abwaanku uu hada aad ugu xanuunsanaayo jig-jiga,islamarkaana uu ka naxay falkaasi foosha xun ee lagula kacay