Koox hubeysan ayaa salaadii makhrib ka dib degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ku dishay Abwaan Badal Jaamac Xirsi oo bulshada Soomaaliyeed ku taqaaney falanqeynta arrimaha taagan.
Dilka ayaa dhacay xilli uu abwaanka ka soo baxay Salaadda Makharib, isaga oo uu ku sii jeeday hoygiisa. kooxdii dilka geystay ayaa meesha isaga baxsaday.
Ciidamada ammaan ee degmada ayaa soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxdii ka dambeysay.
Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay Mas’uuliyadda dilka loo geystay abwaan Badal Jaamac.
Abwaan Badal ayaa kamid ahaa dadka sida wayn loogu yaqaan falaqeynta Siyaasadda, isaga oo markasta ka hadli jiray arrimaha taagan ee dalka.