Abiye Axmed oo Madaxweyne daacad u ah u magacaabay Gobolka Is-maamulka Tigray

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Dr. Mulu Nega u magacaabay madaxweynaha Gobolka Tigray, kadib markii dacwad lagu soo oogay madaxda maamulkaasi, xasaanadiina uu ka qaaday Baarlamaanka Itoobiya.

Wareegto uu saaray Ra’iisul wasaaraha Abiy Axmed ayuu ku sheegay in Dr. Mulu Nega loo magacaabay guddoomiyaha maamulka ku meelgaarka ah is-maamulka Tigray, waxaan sidoo kale la magacaabi doonaa madax kale oo maamulkaasi sii maamusha.

Masuulka uu magacaabay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa ka mid ahaa Golaha Wasiirada dowladda Itoobiya, wuxuuna ku dhowaa Abiy Ahmed, isagoo awood loo siiyay inuu soo magacaabo maamulka cusub ee Gobolka Tigray.

Dowladda Itoobiya ayaa weerar ku qaaday Gobolka Tigray Arbacadii hore, markii ay ku eedeysay in ciidamada TPLF ay weerarreen saldhigyada ciidamada dowlada Itoobiya, waxaana dagaalka oo galay maalintii 10-aad iyadoo boqolaal askar ah ay ku dhinteen.