Abiye Axmed oo ku qasbay Farmaajo in uu dib u soo celiyo xiriirka Kenya

Reading Time: < 1 minute

Shir madaxeedkii 38-aad ee IGAD oo aan caadi ahayn ayaa goor dhoweyd Caawa lagu soo gabagabeeyay dalka Jabuuti, iyadoo xal laga gaaray arrimihii ugu adkaa ee shirka hor yaallay.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhexdhexaadiyay oo kulan isugu keenay madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Kenya Uhuru Kenyatta; waxayna ku guuleysteen inay ku qanciyaan labada dal soo celinta xiriirkii diblomaasi iyo in xaaladda la qaboojiyo, lana joojiyo haddalada colaadeed ee la isu marinayo Warbaahinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta badan culeysku saarnaa, maadaama ay Soomaaliya iyadu xiriirka u jartay Kenya, isla markaana dacwad u gudbisay IGAD, waxaana la sheegay in heshiiska ay Soomaaliya iyo Kenya dhex dhigeen madaxda Jabuuti iyo Itoobiya la shaacin doono marka madaxda Soomaaliya iyo Kenya ay ku noqdaan dalalkooda.

Madaxda dalaka IGAD ee shirka ka qeyb gashay ayaa caawa iyo Berri ku noqoaya dalalkooda iyadoo lagu heshiiyay in dlabad dowladood ku dhawaaqaan soo celinta xiriirka diblomaasi ee Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxda IGAD ayaa dhinaca kale taageeray howlgalkii ay Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigray, waxaana Guddi loo saaray xalinta khilaafka xuduudka Itoobiya iyo Suudaan.