Reading Time: 2 minutes

RW Itoobiya Abiye Axmed ayaa saacado ka hor ka degay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta halkaasoo lagu wado in uu shirar albaabada u xiran yihiin uu kula yeesho Amiirka Maxamed Bin Zayed.

RW Itoobiya Abiye Axmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Afawerki ayaa ka shaqeynaya sidii la isugu soo dhaweyn lahaa xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Imaaraadka iyo sidii Soomaaliya looga saari lahaa dalalka Qatar iyo Turkiga.

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
349 days
22 hours
12 minutes
19 seconds
Waxaa sidoo kale lagu wadaa in Madaxweyne Farmaajo uu socdaal kale ku tago magaalada Asmara marka uu soo idlaado booqashada Abiye Axmed ee Imaaraadka, waxaana seddex masuul lagu wadaa in ay ku kulmaan mar kale magaalada Asmara Bisha Febraayo 18 ilaa 20ka sida MOL ay u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska RW Itoobiya.

Waxaa in dhaweydba uu mugdi soo kala dhex galay xiriirka Farmaajo uu la leeyahay dalka Turkiga, taasoo keentay in uu Farmaajo iyo Fahad ay si dadban u takooraan Turkiga kaddib markii Turkiga iyo Qatar ay isku qabteen arrimaha dalalka Libya iyo Suuriya dhammaadkii sanadkii hore 2019. Taasoo keentay in xiriirka Doha iyo Ankara uu xumaado.

Abiye Axmed Abu Dhabi UAE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here