Abiy Axmed oo xabsiga ka siidaayay Siyaasiyiin iyo wariyeyaal caan ah

Jawar Mohammed (C), a member of the Oromo ethnic group who has been a public critic of Abiy, addresses supporters that had gathered outside his home in the Ethiopian capital, Addis Ababa after he accused security forces of trying to orchestrate an attack against him October 24, 2019. - A day after supporters of the high-profile opposition activist took to the streets, burning tyres and blocking roads following rumours of Jawar's mistreatment by state forces where at least four people were killed and dozens injured in protests in Ethiopia against Nobel Peace Prize laureate and Prime Minister Abiy Ahmed, hospital and police sources said Thursday. (Photo by STRINGER / AFP) (Photo by STRINGER/AFP via Getty Images)
Reading Time: < 1 minute

Dowlada Ethiopia ayaa xabsiga ka sii deysay wariyaha caanka ah ee Eskinder Nega kadib in ka badan 18 bilood oo uu xirnaa.

Eskinder Nega ayaa la xiray bishii Juun 2020 ka dib dilkii muusikiiste Hachalu Hundessa, waxana uu ka mid ahaa dadkii lagu eedeeyay hurinta rabshadihii ka dhacay caasimadda Addis Ababa iyo gobolka ugu weyn dalkaas ee Oromia.

Sidoo kale Jawar Mohamed iyo Baqale Gabra oo gudoomiye iyo ku xigeen u kalla ahaa xisbiga OFC ee oromada ayaa la xiray dabayaaqadii junne 2020 kadib dilkii Fanan Haachalu Hundeesaa.

Jawar mohamed ayaa xiligaas lagu eedeeyay inuu waday kicin bulsho iyo inay xoog kula soo wareegayeen Meedka Fanaanka oo lagu aasi rabay gobolkiisa.

Dhawr jeer ayaa maxkamad la soo taagay waloow aysan jirin wax dambi lagu soo oogay iyo cadeeymo waxaana tiraba dhawr jeer garsoorku dalbadeen in la keeno cadaymo lagu qanci karo oo ku aadan eedaymihiisa.

Xoggaha hoose ayaa tibaaxaya in Abiye Axmed iyo siyaasiyiinta Oromaddu Geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii loo xalin lahaa tabashooyinka Oromadda dhexdeeda Xabsigana looga siidayn lahaa Ragga wax galka u ah Oromadda.

Abiye Maanta waxaa uu sheegay in loo baahanyahay dib u heshiisiin iyo iscafis Guud taasoo gogol xaar u sii ahayd sii daynta siyaasiyiinta Oromadda.