Abiy Axmad oo u yeeray C/raxman Ciro si uu qeyb uga noqdo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta u dhoofay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Musharax Madaxweynaha Somaliland, ahna gudoomiyihii hore ee Xisbiga Wadani, Safarkaa ayaa yimid ka dib markii Ra’iisal Wasaare Abiy Axmad uu u fidiyay martuqaad gaar Gudoomiye Ciro.

Dowlada Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxaa ay kala saxiixan doonaan heshiis la xiriira dekada laga dhisi doono degaanka Zeylac kaas oo siwadajira u maalgalin doonaa dalka Itoobiya iyo dal Carab ah. Si hadaba heshiiskaa u taabagalo  waxaa lama huraan ah in mucaaradka iyo muxaafidka dalka la magac baxay Somaliland ay si wadajira u aqbalaan heshiiskaas.