Abiy Axmad oo sameeynayo iskuday kale oo lagu xalinayo muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta gaaray magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Madaxweyne Farmaajo waxaa sidoo kale la filayaa in uu isagana halkaas gaaro Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.  Inkastaa oo madaxdaas ay halkaas uga qayb galayaan shir Goboleedka  IGAD, hadana sida ay sheegayaan dublamayaasiyiin ku sugan  magalada Addisa Ababa, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad ayaa sameyn doono isku daygii ugu danbeeyay ee uu doonayo in Soomaliya iyo Kenya ku xaliyaan muranka  badda si wadaxaajood ah.

MOL ayaa waxaa loo xaqiijiyay in IGAD oo isticmaalayso ururka Midowga Africa, gaar ahaan Komishinka Amniga iyo Nabbada in ay  labada madaxweyne ay halkaas kuwada yeelan doonaan kulamo qarsoodi ah. Kulamadaas ayaa waxaa sidoo kale gadaal ka riixaya safiirka dalka Maraynka u fadhiya magaalada Addis Ababa.

Farmaajo ayaan cidka ka talo galin qorshaha ah in uu wada hadal  gaar ah uu la furi dalka Kenya.