Abiy Axmad oo ka jawaabaya codsi uga yimid MW Farmaajo oo codsaday in la dhex dhexaadiyo isaga iyo Axmad Madoobe, ayaa waxa uu maalintii shalay ahayd duhurnimadii uu qadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmad Madoobe.
Abiy Axmad ayaa ugu horeeyntii iska beri yeelay iskudaygii cinqilaabka ee ciidamada Itoobiya isaga oo sheegay in uusan isaga amrin in ciidamada Itoobiya dhibaaro ka gaystaan magalaad Kismaanyo isla markaana qaladkii dhacay uu yahay mid uu isagu dabagal ku samayn doono.
Dhanka kale waxa uu codsaday in uu dhexdhexaadiyo isaga iyo Farmaajo labada mas’uulna ay kulmaan sida ugu dhaqsiyaha badan. Warar hoose oo aan ka helanay Kismaanyo iyo Addis Ababa ayaa sheegaya in labada hogaamiye qadaka teelafanka kuwada hadleen.
Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa u sheegay Abiy uAxmad in uusan waxba ka qabin in la wada hadlo lakiin la sugo inta ay ka dhacayso doorashada Jubbaland oo lagu wado in ay dhacdo maalinta Khamiista ee bisha Agoosto ku beegan tahay 22ka. Dhanka kale MW Axmad Madoobe ayaa u sheegay Abiy Axmad in ay dagaalka ka qarxaa Jubbland uusan ku keen doonin Kismaanyo iyo Jubbaland laakiin uu gaarayo gudaha dalka Itoobiya.