Abiy Axmad oo ku balan furay MW Cagjar & Demeke u magacaabay RW ku xigeen

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa meel cidla ah kaga dhaqaaqay MW Mustaf Cagjar oo rajo ka qabay in isaga loo magacaaabo Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka dalka Itoo biya. Abiy Axmada oo  ku dhowaaqay gole wasaaradeed oo cusub oo ka kooban 22 xubnood, isaga oo kusoo daray xubno mucaarad ah. Wasiirada ayaa waxaa ku jira Demeke Makonen oo sii haynaya jagadii ahayd Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibedda. Sidoo kale waxaa jagadiisii wasiirka maaliyadda dib loogu magacaabay Axmed Shide.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa jagooyin u magacaabay laba xubnood oo kasoo jeeda mucaaradka, sidoo kale waxa uu wasiirka gaashaanhdigga ka dhigay siyaasiga Abraham Belay oo kasoo jeeda Gobolka Tigray.

Hoos ka aqriso liiska Golaha Wasiirada

  1. Demeke Mekonnen Hassen – Ra’iisul Wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda
  2. Abhrham Belay (PhD) – Wasiirka Difaaca
  3. Ahmed Shide – Wasiirka Maaliyadda
  4. Muferihat Kamil – Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka
  5. Oumer Hussen Oba – Wasiirka Beeraha
  6. Engineer Aisha Mohammed – Wasiirka Waraabka iyo Horumarinta dhulka
  7. Engineer Habtamu Itefa Geleta – Wasiirka Biyaha iyo Tamarta
  8. Professor Birhanu Nega – Wasiirka Waxbarashada
  9. Dagmawit Moges – Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka
  10. Gebremeskel Chala – Wasiirka Ganacsiga iyo Is-dhexgalka Gobolka
  11. Melaku Alebel – Wasiirka Warshadaha
  12. Binalf Andualem – Wasiirka Nabadda
  13. Gedewon Timotewos (PhD) – Wasiirka Cadaaladda
  14. Dr. Lia Tadesse – Wasiirka caafimaadka
  15. Belete Mola – Wasiirka Hal-abuurka iyo Taknoolajiyadda
  16. Ambassador Nasise Chali – Wasiirka Dalxiiska
  17. Lake Ayalew – Wasiirka Dakhliga
  18. Chaltu Sani Ibrahim – Wasiirka Kaabayaasha iyo magaalooyinka
  19. Engineer Takelle Uma Benti – Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka
  20. Kejela Merdasa Tulu – Wasiirka Dhaqanka iyo Cayaaraha
  21. Ergoge Tesfaye (PhD) – Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Bulshada
  22. Fitsum Asefa (PhD) – Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta
Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!