Abiy Ahmed; “Waxaan isticmaalnayn awood lama huraan ahayd si loo xaqiijiyo sharciga iyo kala dambeynta Itoobiya”
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa weerar ku qaaday Qaramada Midoobay iyo ay Afrika wax cod ah oo muuqda ugu lahayd Golaha Amniga oo uu sheegay uin 70 sano kadib aanay cod ku lahayn.
Isagoo ka hadlayey shirka 35-aad ee Midowga Afrika, magaalada Addis ababa ayuu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya sheegay in Codka Afrika loo baahan yahay in laga maqlo masraxa adduunka.
“Afrika waa in ay ka muuqataa hay’adaha caalami ah ee muhiimka ah. Maanta, in ka badan toddobaatan sano kadib dhismaha Qaramada Midoobay, Afrika waxay sii ahaanaysaa Qaarad yar oo aan lahayn wax-gal macno leh ee doorka nidaamka dawladnimada caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay oo Afrika ay ka maqan tahay Golaha Ammaanka”. ayuuu yiri Abiy Ahmed.
Wuxuu soo jeeriyey Ra’iisal wasaaraha Itoobiya dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Amniga Q/Midoobay: “Waxaa la joogaa waqtigii saxda ahaa ee dib u habeyn lagu sameyn lahaa laguna soo nooleyn lahaa nidaamka Qaramada Midoobay si uu u muujiyo xaqiiqooyinka caalamiga ah ee hadda jira, lana hubiyo in uu yahay hay’ad ka wakiil ah oo loo siman yahay. Kaliya matalaad cadaalad ah iyo daah-furnaanta hay’adahaas ayaa keeni kara xilli cadaalad ah oo dhinacyada badan leh”.
Abiy Ahmed wuxuu caddeeyay in Midowga Afrika uu ka qayb qaadanayo wax ka qabashada caqabadaha nabadda iyo amniga ee qaaradda, iyadooo lagu hagayo; “Xalka Afrikaan ah oo loo helo ee Dhibaatooyinka Afrika”.
Wuxuu sheegay in xukuumadiisa ay qaaday tallaabooyin lagu yareynayo khasaaraha nafeed iyo burburka hantiyeed ee colaadii Itoobiya, ayna dhaqan geliyeen ka bixitaan hal dhinac ah oo ciidamada ugala baxeen goobihii ay colaaddu ka dhacday, wuxuuna ku adkeystay inay isticmaaleen awood lama huraan ahayd si loo xaqiijiyo sharciga iyo kala dambeynta.
“Anagoo ka duulayna sida ay nooga go’an tahay in si nabad ah lagu xaliyo khilaafka, waxaan dhawaan bilownay madal wada-tashi qaran oo loo dhan yahay oo leh sharciyad rasmi ah. Waxaa naga go’an inaan raadinno nabad waarta oo dalkeena ka dhalata waa inay ahaato mid sugan” ayuu khudbadiisa ku yiri Abiy Ahmed.