Abiy Axmad oo qadka whatsapp-ka kuwada hadalsiiyay Farmaajo iyo Uhurru! Maxaa laga hadlay?

Reading Time: 2 minutes

MOL ayaa heshay nuqulka (readout) wadahadalkii Uhurru iyo Farmaajo

Iyada oo madaxweyne Farmaajo iyo kooxaha taageersan ay maalmahii la soo dhaafay ay iidacadaha iyo baraha bulshada ka caynayeen dowlada Kenya iyo madaxweynahooda, ayaa waxaa uu Farmaajo dhanka kale ku mashquulsanaa sidii uu ula hadli lahaa madaxweyne Uhurru Kenyatta oo ka biyo diiday in uu taleefabka ka qaado Farmaajo.

Walwal ka Farmaajo ayaa yimid ka dib markii madaxweyne Uhurru uu maalintii taladada ahayd uu shir gudoomiyay shirkii gudiga Amniga qaranka kaas oo laga soo saaray warmurtiyeed aad u culus laakiin xambaarsanaa fartiin aad u adag oo ahayd in dowlada Kenya ay si toos ah ula daagali doonto dowlada Soomaaliya.

Hadalka ka soo baxay Uhurru ayaa waxaa talo ku lahaa dowlada Maraykanka oo si toos ah ula safatah dowlada Kenya kuna taageertay go’aankeeda ah in iska difaacdo daandaansiga Farmaajo iyo hogaanka DFS.

Farmaajo oo dhowr mar looga digay in uu dagaal  daandaansi ah la galo dowlada Kenya ayaa dowlada Maraknkanka  u sheegtay in dhibkii ka yimaado qorshaha dowlada Kenya uu isaga mas’uuliyadeeda qaadi doono.

Hadaba Farmaajo oo waaga ku baryay ayaa ka codsaday Abiy Axmad in uu wada hadalsiiyo isaga iyo Uhurru, iyada oo Farmaajo balan qaaday in uusan ciidan kale geyndoonin Gobolka Gedo kuwa hada joogaan halkaaasna uu soo celin doono hadii dowlada Kenya balan qaado in ayan qaadi doonin talaabo milatari oo ay hada damacsan tahay in ay ka fuliso Gobolka Gedo.

Abiy Axmad ayaa mudo dheer ka dib ku qanciyay madaxweyne Uhurru Kenyatta in uu aqbalo in lala soo hadalsiiyo Farmaajo.

Abiy Axmad ayaa isaga oo isticmaalayo qadka taleefanka ee whatsapp waxa uu qadka soo galiyay marka hore Farmaajo ka dibna waxaa uu soo galay madaxweyne Uhurru Kenyatta.

Kenya ayaa marka hore dhagaystay hadal hor dhac oo uu uu Abiy Axmad kaga  hadlaayay in wixii dhacay qalad ahayd Farmaajana uu raali galin ka bixinayo, Dareenka colaadeedna la dajiyo.

Farmaajo ayaa isku dayay in uu ku qanciyo Uhurru in dagaalka si lama filaan ah u qarxay, sidaas darteedna uu ka xun yahay sida wax u dhaceen.

Madaxweyne Uhurru oo aad u xanaaqsan ayaa u sheegay Farmaajo in Dowlada Kenya lagu soo gardarooday Isla markaana ay isticmaalayso awood kastaa iyo dariiqkastaa oo isku difaacayso, waxa uuna u sheegay Farmaajo in ay dowlada Kenya aqbali karin in dalkii ay dhiigeeda ku bixisay in ay xurayso in maanta dagaal looga soo qaadayso.

Madaxweyne Uhurru ayaa waxa  kale oo uu xusay in hadalkii Safirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ka jeediyay golaha amaanka ahayd mid lagu iclaamiyay dagaal ka dhan ah dalka Kenya.. Farmaajo ayaa si lama filaan ah u dhex galay hadalkii  Uhurru isaga oo sheegay in arintaasi ahayd mid uusan raali ka ahayn qaladkaasna uu galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada midoobay

Farmaajo ayaa intii lagu jiray qadka taleefanka aan marnaba soo hadal qaadin Ciidanka Jubbaland  iyo wasiir Cabdirashiid Janan.

Ra’iisal Wasaari Abiy Axmad ayaa soo jediyay in si deg deg ah labada dhinac ku kulmaan, laakiiin Madaxweyne Uhurru ayaa sheegay in uusan waqti u haynin kulan gaar ah uu la qaato Farmaajo.

Ka dib wadahadalka labada dhinac, ayaa xafiiska warbaahinta Villa Soomaaliya uu soo saaray warmurtiyeed lagu sheegay in  Farmaajo iyo Uhurru qadka taleefanka kuwada hadleen si loo dajiyo xasarada siyaasadeed ee u dhaxeeysa labada dal.

Ujeedada Farmaajo ayaa ahayd in uu ku qanciyo dowlada Maraykanka in uu qabciyay Uhurru Kenyatta islamarkaana uu dajiyay qilaafka labada dhinac.

Dhanka kale dowlada Kenya ayaana marnaba soo hadal qaadin wadahadalka Uhurru iyo Farmaajo. Dowlada Kenya ayaa ay ka go’aan tahay in difaacato xuduudaheeda.